Tuesday, June 24, 2025

Rasaas la isku weydaarsaday Magaalada Brussels & dableydii oo baxsatay

Waxaa magaalada Brussels ee caasimadda  dalka Belguim laga maqlay rasaas la is weydaarsanayo iyadoo xilligaasina uu socday howlgal ciidamada dalkaasi ay ku baadigoobayeen kooxo lagu sheegay inay argagixiso yihiin.

Sarkaal ayaa dhaawac ka soo gaaray is rasaaseynta oo ka dhacday degaanada koonfureed ee caasimadda, waxaana xeer ilaaliyaha dalkaasi laga soo xigtay in howlgalka la xiriiray kooxo xiriir la leh  weeraradii ka dhacay dalka Faransiiska bishii November sanadkii hore oo lagu dilay 130 qof.

Booliska Belguim ayaa isku dayay inuu la tacaalo kooxo islaamiyiin ah oo dalkaasi raad la soo galay iyagoo qeyb ka ahaa weerardii dhiigga badan ku daatay ee Paris.

Eric Van Der Sypt, oo ah afhayeenka xeer ilaalinta federaalka ayaa sheegay in Booliska ay rasaas rideen galabnimadii talaadada intii uu socday howlgal lagu go’doomiyay xaafado lagu tuhmay argagixiso.

Waxaa weli socda howlgal weyn oo booliska dalkaasi ka wadaan degaanada koonfureed ee caasimada, waxaana la sheegay in ugu yaraan laba dabley lagu raad joogo.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa  sheegaya in ugu yaraan saddex ka mida ciidamada Booliska lagu dhaawacay rasaastii la is weydaarsaday, waxaana baxsaday dableydii, waxaana xaaladda caasimadda Bruselles haween ugu gelayaa iyadoo xaalad amni oo halis ahi ka jirto.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON