Wednesday, July 2, 2025

DEGDEG: Rasaas xoog leh oo laga maqlay Magaalada Muqdisho

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in rasaas xoog leh ay goor dhoweyd ka dhacday Wadada Maka Almukarama agagaarka Isgoyska Jubba ilaa Dajirka Dahsoon.

Rasaasta oo ahayd mid la is weydaarsanayo oo daqiiqado socotay ayaan la ogeyn waxa sababay  iyo cidda ka dambeysa.

Dadka  ku dhowdhow degankaasi ayaa mar kaliya maqlay rasaasta, waxaana soo baxaya faahfaahintii ugu horeysay ee rasaasta dhacday.

Laba askari ayaa ku dhintay, halka dhowr kale ay ku dhaawacmeen iska hor imaadkaasi. Dadka ku dhaawacmay dagaalkaasi waxaa ka mida weriye C/casiis Afrika oo ka howlgala warbaahinta dowladda.

Rasaasta ayaa la sheegay inay dhex martay laba ciidan oo midkood wadadda ilaalinayay iyo ciidamo damcay inay xoog ku maraan.

http://wp.me/p5a931-7FJ

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON