DEGDEG: Recep Tayyip Erdogan oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Dalka Turkiga

0

Madaxweynaha xilka haya ee dalka Turkiga ayaa mar kale ku guuleystay xilka madaxweynaha dalkaasi markii dadka dalkaasi ay u doorteen Recep Tayyip Erdogan inuu mar kale noqdo madaxweynaha dalkaasi. 

Iyadoo la tiriyay codadka in ka badan 90% ayuu Recep Tayyip Erdogan helay in ka badan 53%, waxaana mar kale dib loogu doortay mar labaad inuu dalka Turkiga sii hoggaamiyo, iyadoo natiijada rasmiga ah ay ku dhawaaqi doonaan Guddiga Doorashada.

Madaxda caalamka ayaa bilaabay inay u hambalyeeyaan madaxweynaha dib loo doortay ee Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxaana madaxdii ugu horeysay ee hambalyada u dirtay waxaa ka mida Amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Hamad, Hoggaamiyaha Falastiin Maxmuud Cabbaas iyo madax kale.

Maxaad ka taqaan Madaxweynaha dib loo doortay ee Turkiga Recep Tayyip Erdogan..? [Akhriso taariikh nololeedkiisa]

Madaxweynaha Somalia oo hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Turkiga Recep Tayyip Erdogan

Tirinta Codadka Doorashadii Turkiga oo socota iyo Natiijooyinkii ugu horeeyay ee soo baxay [Kala soco halkan]