Madaxweynaha 93 sano jirka ah ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa meesha ka saaray inuu xilka ka degayo kadib khudbad dheer oo uu goor dhow ka jeediyay telefishanka dalkaasi.
Wuxuu ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka Zimbabwe mareyso, xaaladda adag ee dhaqaalaha iyo tal,aabada ay qaadeen ciidamada dalkaasi, wuxuuse sheegay inuu xilka sii heyn doono ilaa shirweynaha Xisbiga ZANU-PF ee bisha Disembar.
Mugabe ayaa caawa la filayay inuu ku dhawaaqo is-casilaad laakiin waxaa muuqata inuusan meelna u socon oo uu doonayo inuu shirweynaha xisbiga la sugo, iyadoo markas uu xilkaku wareejin doono ku xigeenkiisa Emmerson Mnangagwa, kaasoo maanta noqday hoggaamiyaha xisbiga Zanu-PF.
Madaxweyne Mugabe oo isagu qortay khudbadda uu sida tooska ah uga jeediyay telefishanka dalkaasi ayaa diiday in cid kale ay aragto khudbadiisa.