Safiiro uu ka mid yahay Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa lagu ansixiyay goor dhoweyd shirkii Golaha Wasiirada ee maanta, kadib markii Wasaradda Arrimaha dibadda ay u soo gudbisay Golaha wasiirada.
Safiirada la magacaabay waxa ka mida:
- Yuusuf Garaad Cumar Axmed
- C/wahaab Macalin Axmed
- iyo Cali Aadan Diiriye
Saxafiga caanka ah ee Soomaaliyeed Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo siyaasadda si weyn ugu soo biiray markii uu isu soo sharxay jagada madaxweynaha Soomaaliya sanadkii 2012 ayay u noqoneysaa xilkii ugu horeeyay ee loo magacaabo.
C/wahaab Macalin ayaa ahaa wasiir ka tirsan xukuumaddii hore ee Soomaaliya, waxaana Golaha wasiirada safiirada ay ansixiyeen kadib lagu wadaa madaxweynaha uu saxiixo.
Safiiradan ayaan la shaacin dalalka loo diri doono, waxaana dhacda in Golaha wasiirada ay ansixiyaan magacyo kaliya iyadoo madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay kadib ku heshiiyaan dalalka loo dirayo.
Goobjooge.com