Monday, June 23, 2025

DEGDEG: Saraakiishii & Maleeshiyadii Alshabaab ee aagga Garacad oo galay Galmudug [HALIS CUSUB]

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Mudug, gaar ahaan degaanka Garacad  iyo agagaarkiisa oo dagaal ku dhex marayay ciidamada Puntland kuwa Alshabaab ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu soo gabagaboobay kadib markii qeybtii ka hartay maleeshiyadii ay Shabaab ay galeen degaanada Galmudug.

Maleeshiyadii ALShabaab ayaa la xaqiijiyay inay galabta u  gudbeen degaan  dhinaca koonfur kaga beegan Aagga Moosil, iyagoo gudaha u galay  deeganada hoostaga Galmudug.

Puntland ayaa shaacisay in dagaalkii Garacad ay ku dileen in ku dhow  100 maleeshiyo oo ka tirsan Al-shabaab sidoo kalena ay ku qabteen maxaabiis dhan ilaa 50 oo u badan caruur. Halka ciidamada Puntland ay sheegatay in  dhinacooda laga dilay 6 askari.

Ad

Madax ka tirsan Puntland ayaa tegay degaanka Dhinnooda oo maanta gelinkii hore ay ka  gudbeen Al-shabaab waxayna  halkaasi kula hadleen dadka degaankaasi, waxayna halkaasi uga dhawaaqeen in Alshabaab ay ka baxeen xuduudda maamulka Puntland.

Alshabaabk la sheegay inay galeen degaanada Galmudug ayaa u badan sarakiishi hoggaaminayay dagaaladii dhex maray Puntland iyo Shabaab iyo sidoo kale dagaalyahanada waaweyn ee Alshabaab, waxaan tiradooda lagu qiyaasay ilaa 100 dagaalyahan iyo horjoogayaal waaweyn.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON