Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Shirkii Baarlamaanka oo Fowdo iyo Buuq ku soo xirmay

Shirkii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ku soo xirmay fowdo, buuq iyo sawaxan hareeyay fadhigii maanta kadib markii la bilaabay in laga hadlo qaraar mooshin ah oo ay keeneen qaar ka mida xildhibaanada oo doonayay in la hakiyo shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee ka socda magaalada Jowhar.

Shirka oo uu guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ayay ku kala qeybsameen xildhibaanada oo qaarkood ay taageereen qaraarka mooshinka ah ee lagu hakinayo shirka Jowhar, halka qaar kale ay diidanayeen in arrinta shirka Jowhar la keeno Baarlamaanka.

Muran iyo fowdo keenay inuu socon waayo shirkii ayaa hareeyay, iyadoo xildhibaanno badan ay istaageen oo ay bilaabeen inay qeyliyaan, taasoo kaliftay in shir guddoonka shirka ee Jeylaani Nuur Iikar oo ku dhawaaqo inuu xiran yahay shirka, waxaana fadhigii maanta ee Baarlamaanka uu ku soo dhammaaday fowdo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON