Shirkii wadahadalka Mooshinka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ka furmay magaalada Muqdish, iyadoo ay ka qeyb galayaan madaxda sare ee dowladda iyo xildhibaano fara badan, iyadoo xildhibaano badan oo ka mid ahaa kuwii mooshinka ka keenay madaxweynaya ay iska xaadiriyeen.
Shirka ayaa ka furmay xarunta Villa Hargeysa ee fadhiga Baarlamaanka waxaana la sheegay in xildhibaanada mooshinka wada oo qaarkood qaadaceen kadib ay shirka tageen xildhibaano badan oo shaaciyay inay ka tanaasuleen Mooshinka ay ka qoreen madaxweynaha oo ay diyaar u yihiin wadahadalka uu ku baaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).
Shirka oo goor dhow furmay ayaa waxaa goobjoog ka ah Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo wakiil ka ah Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan oo ay wehliyaan xildhibaano fara badan.
Goobjooge.com