Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ansixiyay in taliye cusub iyo abaanduule loo magacaabo ciidamada milateriga Soomaaliya iyadoo xilka laga qaaday taliyihii iyo abaanduulihii hore ee ciidamada qalabka sida ee xoogga dalka.
Taliyaha cusub ee loo magacaabay ciidamadda xoogga dalka waxaa lagu magacaabay:
Gen. Maxamed Aadan Axmed, jeneraalkan ayaa la sheegay in dal darajo la dalacsiiyay intaan xilkan loo magacaabin
Abaanduulaha ciidamada milateriga ee xoogga dalka Soomaaliya waxaa isna loo magacaabay:
Col. Cali Baashi Maxamed Cumar
Golaha wasiirada ayaa hadda ansixiyay labadan mas’uul oo lagu bedelayo taliyihii hore ee ciidamada Milateriga General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) iyo Abaanduulaha ciidamada Xoogga Gen. C/risaaq Khaliif Cilmi oo xilal kale la sheegay in loo magacaabayo.
Go’aanka golaha wasiirada ayaa loo gudbinayaa madaxweyne Xasan Sheekh oo wararku sheegayaan inuu xubnahan cusub isagu soo magacaabay ayna isla ogyihiin Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-7″]