Friday, June 27, 2025

DEGDEG: Tifaftirihii Wargeyska Xog-ogaal oo caawa laga sii daayay Xabsiga NISA

Tifaftiraha Wargeyska Xogogaal ee magaalada Muqdisho Cabdi Aadan Guuleed ayaa caawa laga sii daayay xabsiga NISA ee magaalada Muqdisho kadib markii uu sadde maalmood u xiranaa NISA.

Ciidamo ka socda Nabadsugudda ayaa habeekii Axadda ka qabtay tifaftiraha xarunta wargeyska iyadoo sidoo kale qaatay qalabkii uu ku shaqeynayay wargeyskaasi, lamana oga sababta rasmiga ah ee loo loo xiray wargeyska iyo tifaftiraha.

Xariga Cabdi Aadan Guuleed ayaa la sheegay inuu amray  taliyaha NISA, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in loo heysto sawir uu dagaalkadii Hiiraan ka faafiyay Wargeyska, laakiin ma cadda sababta rasmiga ah ee xariga.

moalimuu-abdiQalabka Wargeyska ayaa la sheegay in maalina beri ah la soo celin doono, waxayna arrintan ka mid tahay xadgudubyada ciidamaada ammaanka kula kacaan saxafiyiinta iyo xarumaha warbaahinta.

Waxaa caado noqotay in ciidmada NISA ay weeraraan xarumaha Warbaahinta, iska xirtaan weriyeyaasha iyadoo aanay jirin denbi lagu soo oogay iyo maxkamad amartay xarigooda midna, taasoo ka soo horjeeda sharciga saxaafadda ee dhaqangalka ah.

Wasaaradda Warfaafinta iyo mas’uuliyiinteeda ayaa jawaabka ay falalkan soo noqnoqday ka bixiyaan ay tahay inaysan war u heynin tallaabada ciidamada nabadsugidda.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON