Friday, June 27, 2025

DEGDEG: Wakiilka cusub ee Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo yimid Muqdisho

Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa goor dhoweyd ka degay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee uu soo caga dhigto Soomaaliya tan iyo markii xilkan loo magacabaay iyadoo uu bedelay wakiilkii hore Nicholas Kay.

Wakiilka cusub ee Michael Keating ayaa shaqadiisa cusub bilaabi doona waxayna ku soo beegantay xilli aad u adag oo xaaladda siyaasadda Soomaaliya ay kala taagan tahay markii lagu heshiin waayay shirkii madasha qaran ee madaxda Soomaalida ku yeesheen magaalada Kismaayo oo go’aan looga gaari lahaa qaabka Doorashada dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye ayaa soo dhoweeyay wakiilka cusub, waxaana xaflad kooban oo soo dhoweyn ah loogu sameeyay xarunta Xalane ee Garoonka diyaaradaha ay ku leedahay UNSOM.

Michael Keating ayaa u dhashay dalka Ingiriiiska sida ninkii ka horeeyay oo kale, waxaana la arki doonaa wixii uu xaalada Soomaalida ku soo kordhiyo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON