Wararka lag helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in waxyaabo looga shaliyay inay yihiin Bam laga helay xarunta Guddiga Sare ee Qaxootiga Kanada ku leeyahay magaalada Nairobi oo ku taala wadadda Limuru sida ya sheegeen Booliska Kenya.
Xirmo loo maleeyay inay ku jiraan bambo iyo waxyaabo qarxa ayaa lagu arkay jidkani, taasoo keentay in dadkii ay kala cararaan oo goobtaasi la banneeyo, waxaana gaaray ciidamada qaabilsan waxyaabaha qarxa.
Madaxa kooxda Booliska Kenya u qaabilsan waxyaabaha qarax Eliud Lagata ayaa sheegay inaysan weli xaqiijin karin xirmada goobta taalla balse ay la tacaalayaan.
Xaaladda ayaa isku bedeshay cabsi iyo kala carar kadib markii dadweynaha goobtaasi lagu war geliyay inay jirto cabsi laga qabo qarax laga yaabo inuu goobtaasi ka dhaco.
Booliska ayaa markii danbe sheegaya in Xirmadaasi ay ku jireen dokumentiyo oo aan laga helin waxyaabaha qarxa. Wadaddaii Limuru ee la xiray ayaa markii danbe dib loo furay.
Ciidamada Kenya ayaa bishan Ramadaan heegan ku jiray iyagoo marar badan sheegay inay fashiliyeen falal amni darro iyo weeraro la qorsheeyay.
Goobjooge.com