War naga soo agaray magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Guddoonka Baarlamaanka Jubba uu goor dhow ku dhawaaqay in 15-ka bishan Ogost la qabana doono doorashadaada madaxweynaha maamulkaasi oo ka dhici doonta magaalada Kismaayo.
Shirkii magaalada Kismaayo uga socday ergooyin la sheegay in laga keenay saddexda gobol ee maamulka Juba ayaa lagu ansixiyay isla maanta dastuur loo sameeyay maamulka Juba, waxaana isagoo xafladda ka hadlaya arrinta doorashada madaxweynaha ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubba Sheekh Cabdi Yuusuf oo hadal ka jeediyay munaasabadda lagu ansixinayay Dastuurka Jubba.
Maamulka Jubba ayaa olole ugu jiray maalmahan dedejin ansixinta Dastuurka si looga gaarsiiyo in bishan dhexdeeda dib madaxweyne loopgu doorto Axmed Madoobe, isla maalinta Axadda ah ee Berri ah ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo Guddiga doorashada Jubba oo howsha doorashada loo xil saari doono.
Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa dooran doona madaxweynaha maamulka. Iyadoo la ogyahay in baarlamaanka Juba uu sharci darro ka dhigay Baarlamaanka Soomaaliya, taasoo keentay inuu xumaado xiriirka dowladda federaalka iyo maamulka Jubba.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]