Waxaa la soo gabagabeeyay oo war-murtiyeed laga soo saaray Shirka wadatashiga Muqdisho ee madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda maamulada dalka ka jira ku yeeesheen Muqdisho.
Goobjooge.com oo heshay war-murtiyeedka ayaa waxaa la shaaciyay in la sameynayo koox loogu magac daray: MADASHA WADA TASHIGA QARAN (MWQ).
MADASHA AYAA KA KOOBNAAN DOONTA:
Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Doowlad Goboleedyada, 25 xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Federaalka ah,
10 Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah – Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Arrimaha Dastuurka, Warfaafinta, Cadaaladda iyo Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Xuquuqul Insaanka.
5 wasiir oo ka socda maamul goboleed kasta oo hadda jira iyo kuwa ku meel gaarka ah (5 midkiiba, 20 tiro guud)
3 wakiil oo ka socda gobolka Banaadir
Min 2 wakiill oo ka socda gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan
2 wakiil oo ka socda bulshada rayidka ah oo ka imaanaya mid kasta oo ka mid ah dowlad goboleedyada (12 guud ahaan) iyo sidoo kale;
5 wakiill oo ka socda ururrada bulshada rayidka ah dalka oo dhan ayaa ka qeyb gali doona Madasha. Waxaa muhiimad gaar ah la siin doonaa in si dheelli tiran ay haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay uga qeeybaataan madasha.
Guddiga ayaa hoos imaanaya howl-wadaagayaasha caalamiga ah ee IGAD iyo xafiiska UNSOM, Midowga Yurub, Mareykanka, Ingiriiska….
HALKAN KA FURO WARMURTIYEEDKA OO DHAMEYSTIRAN
[pdf-embedder url=”http://goobjooge.com/wp-content/uploads/2015/09/WarMurtiyeed.pdf”]
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-7″]