Wafdi ka kooba wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya iyo xubno kale oo la socda ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Wafdigan waxaa ka mida Wasiirka Arrimaha Gudaha, C/raxmaan Odowaa, Wasiirka Amniga C/risaq Cumar Maxamed, Wasiirka Kaluumeysiga Maxamed Cumar Ceymoy, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad, wasiiru dowlaha maaliyadda C/llaahi Maxamed Nuur iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Wafdigan ayaa ujeedkoodu yahay in dib loo furo shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo mar kale la filayo inuu ka furmo magaalada Jowhar, inkastoo diidmo adag uga imaaneyso dhinacyo kala duwan.
Goobjooge.com