Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya inay halkaasi ka socoto qabanqaabada xaflad lagu shaacinayo golaha wasiirada cusub ee maamulkaasi.
Xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhaba waxaa iminka ku sugan wasiirada maamulka qaarkood, xildhibaanada Koonfur Galbeed iyo marti sharaf kale, iyadoo la sugayo madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Golaha wasiirada Koonfur Galbeed oo tiradooda ka badneyd 65 xubnood ayaa ku dhowaad kala bar ay kala tageen iyagoo ku kala biiray xukuumadda cusub, Baarlamaanka Federaalka qaar kale oo shaqooyin kale ka doortay, waxaana golaha wasiirada K/Galbeed lagu sheegay mid aan wax shaqo ah heynin.
Isku shaandheynta wasiirada Koonfur Galbeed ayaa marar badan dib udhacday, waxaana lagu wadaa in maanta lagu dhawaaqo.