Wararka laga helayo degaanka Dagaari oo 30 KM ku dhowaad u jira Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Wasiirro ka tirsan Maamulka Galmudug ay shil baabuur ku galeen halkaasi iyagoo la socday gawaari kolonyo ah.
Wasiirada shilka galay waxaa ka mida: Wasiirka Biyaha Maamulka Galmudug iyo Wasiir Kuxigeenka Xanaanada Xoolaha Maamulka Galmudug, waxaana sidoo kale ay dhaawacaskari ilaalada ka mid ahaa.
Wasiirada shilka galay ayaa la sheegay inuu gaari la rogmaday balse aanay waxyeelo soo gaarin, waxayna ka baxeen magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah u ah Maamulka Galmudug, waxayna ku sii jeedeen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Goobjooge.com