Thursday, July 17, 2025

DEGDEG: Weerar is miidaamin ah iyo dagaal lagu galay Xarunta wasaaradda Tacliinta Sare

Qarax weyn ayaa gilgilay goor dhow Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sarre  xarunteeda ku taala  KM5 , kadibna waxaa bilowday rasaas la is weydaarsanayo oo loo maleynayo inay dhex mareyso dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku qaaday iyo ilaalada xaruntaasi.

breaking-news2

Dableyda weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay  gudaha u gashay wasaaradda oo ku taalla meel aad u mashquul badan oo shacabku ku badan yahay, iyadoo aan lahayn ilaalo badan goobtaasi, waxaana  weerarka uu ahaa mid qorsheysan oo la mida kii lagu qaaday Hotelka Maka Almukarama.

Waxaa xarunta wasaaradda ee weerarka lagu qaaday degdeg u gaaray ciidamada nabadsugigga kuwooda sida degdegga ah u howlgala, balse ilaa iminka lama sheegin qasaaraha ka dhashay weerarkan cusub oo Alshbaab ku beegsatay xarunta wasaaradda Tacliinta sare.

Warar hordhaca ayaa sheegaya in 5 ruux ay ku dhinteen oo ku sugnaa albaabka xarunta la weeraray marki uu qaraxa is-miidaaminta ah dhacay, sidoo kale waxay wararka qaarkood sheegayaan in dhaawac fudud uu soo gaaray agaasimaha waaxda tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada.

Ciidamada gaarka ah ee Gaashaan ayaa gudaha u galay dhismaha wasaaradda Tacliinta Sare, rasaas ayaana laga maqlayaa gudaha xarunta iyadoo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ay sheegeen in howgalku socdo oo goor dhow la soo gabagabeyn doono.

Faahfaahinta howlgalka oo socda kala soco halkan insha allaah

 

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON