Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Weerar qorsheysan oo dad lagu dilay Magaalada Muqdisho

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in weerar gaadmo ah oo qorsheysan lagu dilay laba qof oo lagu sheegay inay u shaqeeyaan dowladda Federaalka.

Weerarka ayaa goor dhoweyd ka dhacay degmada Boondheere, gaar ahaan  agagaarka Isbitaalka Somali-Jermal. Koox hubeysan ayaa gaari ku hor gooyay gaari kale kadibna rasaas xoog leh ku fureen.

Weerarka ayaa lagu dilay laba qof, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka geystay. Dadka la dilay ayaa ka mid ahaa ilaalada guddoomiyaha degmada Boondheere

Ciidamada amaanka Gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta uu falku  ka dhacay, waxayna  halkaasi ka sameeyeen baaritaano.

NISA ayaa sheegtay in iska hor imaad ay la gashay kooxda hubeysan oo midkood looga dilay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON