Saturday, July 5, 2025

DEGDEG: Weerarkii Hotel Saxafi oo lasoo gabagabeeyay iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay

Ciidamada Nabadsugidda Soomaaliyeed ayaa goor dhoweyd shaaciyay inay soo afjareen weerarkii kooxda Alshabaab ku qaadeen saarka aroortii Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Weerarka oo socda muddo 4 saacadood ka badan, waxaana hadda uu ciidamadu ku dhawaaqeen inuu soo dhammaaday howlgalkii ugu danbeeyay oo dabley kamida Alshabaab oo saarnaa dabaqa sare lagu dilay.

Dadka laga soo badbaadiyay hotelka Saxafi ee ugu danbeeyay waxaa ka mida Sheekh Nuur Baaruud oo si kulul u cambaareeyay weerarkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay weerarka isagoo dalka ka maqan, wuxuuna sheegay in kuwa weerarka geystay aysan ahayn islaam, sida lagu qoray Barta twitterka ee madaxtooyada, wuxuu madaxweyne  Xasan Sheekh sheegay inaysan ka daali doonin  baabi’inta Aslahabab taasina ka go’an tahay.

Hay’adda nabadsugidda ee NISA ayaa iyaduna sheegtay inay soo afjartay weerarkii Hotel Saxafi, inkastoo weriyeyaasha ku sugan hotelka duleedkiisa ay sheegayaan ina weli xaaladu aanay soo dhammaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON