Wednesday, July 16, 2025

DEGDEG: Wufuud hordhac u ah Madaxweynayaasha Kenya & Jabuuti oo kasoo degay Garoonka Muqdisho

Mas’uuliyiin iyo ilaalo iyo xubno hordhac u ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa goor dhoweyd kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Diyaaradii ugu horeysay ee sida wafdi hordhac u ah Madaxweynaha Kenya ayaa ka soo degtay garoonka Diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.igad-bc

Diyaaradda ayaa siday ilaalo gaara, saraakiil iyo xubno ka mida wafdiga madaxweynaha Kenya oo Muqdisho uga qeybgeli doona shir madaxeedka IGAD.

Dhinaca kale warar hadda soo dhacay ayaa sheegaya in wafdi kale oo hordhac u ah Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ay kasoo degeen garoonka, iyadoo la socday diyaarad ka timid magaalada Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madax ka tirsan dowladda Federaalka ayaa hadda ku sii jeeda garoonka, waxaana la filayaa inay madaxda IGAD si is daba joog ah u soo gaaraan caasimadda Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON