Kulanka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa goor la filayaa inuu goor dhow furmo, iyadoo loo diiday inay soo tebiyaan saxafiyiinta.
Xarunta Baarlamaanka ee Villa Somalia ayaa la geeyay ciidamo fara badan oo dhar cad ah iyo ilaalada Madaxtooyada, waxaana gudaha ku sugan xildhibaano badan, iyadoo shirkuna uu dhowaan furmay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh ayaa goobta ka sheegay inay senatooradii ka socday Aqalka Sare inay isaga baxaan kulanka, maadaama kulanka uu yahay mid u gaara Golaha Shacabka.
23 Senator ayaa saxiixay waraaqaha xaadirinta senetoorada Aqalka sare, iyadoo uu shirka hore u qaadacay Guddoomiyaha Aqalka Sare, balse waxay uga baxeen shirkii si weji gabax leh. Guddoomiye Mursal ayaa u sheegay Senatoortada iyagoo raali ah inay ka baxaan shirka oo aanay dooneyn inay qeyb ka noqdaan khilaafka Aqalka Sare, ayna lasoo xiriireen madaxda Aqalka Sare.
Guddoomiye Mursal ayaa shirka ka sheegay in loo qabtay kulanka codsiga madaxweynaha si uu khudbad uga jeediyo, isla markaana aanay jirin wax muddo kororsi ah oo looga hadlayo. “Halkaan uma fadhino muddo kororsi wax la yiraahdo dadka qaarkood oo su’aalahaasi na weydiinaya.. ajendaha maanta waa qodobka 90-aad ee Dastuurka oo madaxweynaha u ogolaanaya inuu mar kasata la hadli karo Baarlamaanka.. Kulankaan waa kulan Golaha Shacabka kaliya uu leeyahay oo aanu qeyb ka ahayn Aqalka Sare.” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka.
