Tuesday, June 24, 2025

DEGDEG: Xafladii Magacaabidda Ra’iisal wasaaraha oo ka bilaabtay Madaxtooyada

Xafladda magacaabidda Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa ka bilaabatay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, iyadoo dhammaan xubnaha golaha wasiirada loogu yeeray inay ka soo xaadiraan xafladda oo lagu mudeeyay 4:30 xilliga galabnimo ee Muqdisho.

Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ahaa safiirka Soomaaliya u jooga dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa in jagada loo magacaabo, isagoo magaalada ku sugnaa labadii maalmood ee ugu dambeysay. waxaana laga yaabaa inay xafladda gaarto Maqribta xilliga Muqdisho.

Magacaabidda Ra’iisal wasaaraha cusub ayaa si weyn loo hadal hayay, waxaana dhacay kulamo kala duwan oo madaxweynaha iyo kooxdiisa ay la yeesheen Cumar C/rashiid.

Goobjooge.com

Muqdishobreaking-news2

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON