Duqii hore ee magaalada Muqdisho iyo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa loo magacaabay wasiiru dowlaha Cadaaladda ee xukuumadda Soomaaliya.
Ujeedka Muungaab uu xilligan kala guurka ah u aqabalay inuu wasiiru dowle noqdo ayaan caddeyn, inkastoo dadka qaarkii ay k u tilmaamaan nin xukun jaceylku ku weyn yahay oo uu doonayo inuu taariikh nololeedkiisa ay u gasho xilkan.
Qorshahan ayaa waxaa kasoo shaqeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana xogtan hore u shaaciyay mareegtan Goobjooge.com oo warbixin ka qortay.
Xasan Muungaab oo la sheego inuu hanti badan heysto ayaa u sharxan xildhibaan iyo jagada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
HOOS KA AKHRISO WARKA GOOBJOOGE.COM HORE U QORTAY
XOG CULUS: Jeneraal Xasan Muungaab oo jago wasiir looga magacaabayo xukuumadda Soomaaliya
Goobjooge.com