Thursday, July 17, 2025

Degdeg: Xildhibaan lagu dhaawacay magaalada Muqdisho

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in xildhibaan Mayow Mustaf ay dabley hubeysan dhaawac ugu geysteen Degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo kamida xildhibaanada Baarlamaanka ayaa la sheegay in rasaas lagu furay gaari uu watay… wararka dhaawaca xildhibaanka ayaa sheegaya in dabley watay gaari yar oo Carib ah ay rasaas ooda uga qaadeen gaari ay saarnaayeen xildhibaanka iyo dad kale, waxaana isla weerarkaasi ku dhintay afar ruux oo la socday xildhiban Mayow.

Ciidamada dowladda ayaa xiray goobtii weerarku ka dhacay, iyadoo dableyda weerarka geystay ay baxsadeen. Wuxuuna weerarkan iyo qaraxii shalay imaanayaa iyadoo hay’addaha amniga ay ku faaneen inay wax weyn ka qabteen kooxihii amaan darrada ka waday caasimadda xaaladuna caadi ku soo celiyeen sida uu ku dooday afhayeenka wasaaradda Amaanka Qaranka Maxamed Yuusuf.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON