Xildhibaanada la baxay Kutlada “Badbaado Qaran” ayaa diidmo hordhac ah ka soo saaray xukuumada cusub ee lagu wado in dhowaan lagu dhawaaqo kadib markii wax laba bedelay xukuumadii hore ee lala noqday 17-kii Bishan ee shanta maalmood jirtay.
Xildhibaanadan oo shir ku lahaa Muqdisho saacadihii uu danbeeyay kadib markii ay ka war heleen in xukuumada lagu dhawaaqi doono ay ku jiraan afartii wasiir ee ay hore u diidaan in la soo celiyo ayaa warsaxaafadeed ay soo saarayaan goor dhow ku caddeeyay inaysan taageeri doonin, codka kalsoonidana siin doonin xukuumad ay ka mid yihiin afartii xubnood ee ay hore ugu sheegeen inay qas wadayaal yihiin oo kala ah:
1. Faarax Sheekh C/qaadir
2. C/kariin Xuseen Guuleed
3. Xuseen Cabdi Xalane
4. C/llaahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe’
Afartan xubnood oo aad ugu dhow madaxweynaha ayaa hore ugu qornaa wasaarado muhiim ah, waxayse wararku sheegayaan in golaha wasiirada cusub jagooyin cusub la siiyay laba kamida halka labada kalena wasaaradihii hore loogu magacaabay kusoo noqonayaan.
Isbaheysiga kale ee xildhibaanada Toosinta Talada Qaranka ayaa iyaga go’aan ka lamida ka qaatay xukuumadda cusub ee lafilayo in dhowaan lagu dhawaaqo laakiin waxaa lagu wadaa in labadn isbaheysi rag muhiim ka ah lagu soo daro golaha wasiirada cusub taasoo laga yaabo inay dhaawac u geysato wadajirkoodii.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]