Monday, June 23, 2025

DEGDEG: Xildhibaano caan ah oo dagaal gacan-ka-hadal ku dhex maray gudaha Barlamanka Somaliya

Warar hadda soo dhacay ayaa sheegaya in laba xildhibaan oo ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta isula tageen kadib markii ay isku af-dhaafeen arrimo siyaasadeed iyo mowqifyo kala fog oo ay ka kala aamisan yihiin xaaladda dalka.

Jeesow-Barre

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf ayaa dagaal gacanta ah ku dhex maray goor dhoweyd gudaha Baarlamaanka oo maanta ay bilaabaneyso dood ku saabsan Xeerka Isgaarsiinta iyo dib u eegista Miisaaniyadda 2015-ta.

Dagaalka oo labada xildhibaan ay isku qaadqaadeen ayaa degdeg loo soo dhex galay oo la kala qabtay iyadoo dhowr feer oo culus ay ku dhaceen Xildhibaan Cabdi Barre oo isaga lagu bilaabay gacanta. Arrintan ayaa ka danbeysay markii labada oday ay isku maandhaafeen arrimo ku saabsan maamulka Jubba iyo Mooshinka Madaxweynaha.

Labadan xildhibaan ayaa ah laba xildhibaan oo aad u mowqifyo kulul isla markaana si weyn ugu kala fog xaaladda siyaasadeed ee dalka taasoo keentay inay xaaladu gacan-ka-hadal la gasho.

Xildhibaano fara badan ayaa soo dhex galay oo labada oday kala qabtay iyadoo waanwaan laga dhex wado xaalkoodana la gaarsiiyay Guddoonka Baarlamaanka.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON