Waxaa hadda shir uga socdaa magaalada Muqdish wasiiro iyo xildhibaano taageersan madaxweynaha Soomaaliya oo kulan weyn soo qabanqaabiyay kaasoo lid ku ah Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha ee hor yaalla guddoonka Baarlamaanka.
Shirkan oo xildhibaano badan ay ku sugan yihiin ayaa wararka naga soo gaaraya ay sheegayaan in xildhibaano ka mid ahaa kuwii saxiixay mooshinka madaxweynaha ay tageen iyadoo ku biiray taageerayaasha madaxweynaha ee ka horjeeda Mooshinkaasi.
Xildhibaanada soo abaabulay shirkan ayaa ujeedkoodu ahaa inay ku baaqaan in la laalo mooshinka madaxweynaha oo ay ku doodayaan inuu sharci darro yahay oo xiisad ka dhex abuuray hay’adaha dowladda.
Wixii ku soo kordha la soco….
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]