Qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho uga hadlay mooshinka laga keenay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee xil ka qaadista ah, waxayna sheegeen xildhibaano ka mida kuwa ku saxiixan mooshinkaasi in laga been abuurtay.

Xildhibaano ay ka mid yihiin: Cabdalla Boos Axmed, C/fataax Nuur Mattaan, Xildhibaan Sheegow iyo Xildhibaan Tahliil oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in mooshinkan la qoray lix bilood ka hor isla markaana xilligaasi uu qalalaase siyaasadeed ka jirtay dalka, balse markaas kadib laga heshiiyay oo xukuumad cusub la dhisay, Baarlamaanka iyo xukuumadda ay ku heshiiyeen inaan mooshin danbe la keenin.
Xildhibaanada saxiixoodu ku soo baxay mooshinka oo toban ka badan sida ay sheegeen waxay ku eedeeyeen xildhibaano dano gaar ah leh, kale inay la ordeen Mooshin Madaxweyne iyadoo aan wax la-tashi ah lagala yeelan, qodobadda lagu qoray mooshinkana aanay ka war heynin, waxayna guddoonka Baarlamaanka ugu baaqeen inuu dib u celiyo mooshinkaasi oo saxiixyada laga been abuurtay laga saaro.
Arrintan ayaa mar kale abuureysa isku dhex yaac siyaasadeed iyo qas ku bilowda Mooshinkii Madaxweynaha laga keenay, waxaana arrintan la sheegay inay soo diyaariyeen taageerayaasha madaxweynaha.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]