Sunday, July 13, 2025

DEGDEG: Xildhibaannada Baarlamaanka oo ansixiyey Wax-ka-bedelka Xeerkii Bankiga Dhexe

Kulankii Baarlamaanka ee maanta kadib dood kulul oo ka dhalatay wax-ka-bedelka Xeerka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo xukuumadda ay wadatay, waxaana markii danbe lagu ansixiyey xeerkii xukuumaddu wax ka bedeshay.

In ka badan 30 xildhibaan ayaa isu qoray dooda, waxaaa hadlay ilaa dhowr xildhibaan oo si weyn ugu kala qeybsanaa xeerkan oo muran badan ka dhashay, laakiin waxaa soo dhex galay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh uu soo jeediyey in cod la geliyo iyo in kale, isagoo ku dooday in 30 xildhibaan ay qoran yihiin dooduna ay dheeraatay.

Arrinta cod gelinta ayaa buuq ka dhalisay kulanka Baarlamaanka, kadibna waxaa la qaaday cod, iyadoo natijadii noqotay  in Xeerka wax ka badalka Bankiga Dhexe oo lagu daray Qodob sheegaya in Xillaka Sare ee Bankiga ay qaban karton cid kasta.

Natiijadii codeynta ayaa noqotay inay wax-ka-bedelka Xeeka Bankiga Dhexe ay ogoladeen 158 xildhibaan, waxaa diiday 17 xildhibaan oo kaliya, mana jirin cid ka aamustay.

Wax ka bedelka xeerka Bangiga Dhexe ee qodobka 130aad ayaa hadda ka dhigan in Bangiga Dhexe uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah, kuna imaan doona xeer loo cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON