Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Xisbiga Wadani oo Go’aan Naxdin leh ku dhawaaqay [Ku shubasho ka dhacday Doorashadii Somaliland]

Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani oo goor dhoweyd la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay inay doorashada ka dhacday ku shubasho iyo musuq maasuq baahsan, waxaanay ku war geliyeen wakiiladooda u jooga gobolada iyo degmooyinka dalka inay joojiyaan wada shaqayntii ay la lahaayeen guddida doorashooyinka.

Gudoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga Wadani Cismaan Afgaab oo ka mid ah xubnaha xisbigaas u qaabilsan guddida doorashada ayaa sheegay inay talada ku celin doonaan madaxda sare ee xisbiga Waxaanu yiri: “Doorashadii 13-ka bisha ka dhacday oo ay ahayd in sidii caadada ahayd ay noqoto doorasho xor iyo xalaal ah, waxa soo baxday oo guddiga doorashaduna iska dhega mariyeen cabashooyin badan oo xisbiga Waddani u soo gudbiyey, doorashaduna way ka baxday xor iyo xalaashii, waxaana gobollo badan oo wadanka ka mid ah ka dhacday ku shubasho baahsan markii aanu u gudbinay guddida doorashaduna waxay kaga jawaabeen aamusnaan.

Xoghaye Cismaan Afgaab oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey: Waxaanu ku wargelinaynaa dhamaan wakiilada xisbiga inay hakiyaan wada shaqaynta guddida doorashada inta xisbigu go’aan ka soo saarayo, xisbiga ayaanu wakiil ka nahay shaqo ayaanan wakiil uga nahay, shaqadaasi haday u socon waydo si sax ah go’aanka kama dambaysta ah waxa iska leh madaxda xisbiga, laakiin waxaanu cadaynaynaa inaanan sii wadi Karin shaqada madaxduna ay go’aaan ka gaari doonto.

Cismaan Afgaab ayaa sheegay inay dhaceen waxyaabo badan oo musuq ah ayaa mar kale yiri: “Waxaanu u sheegaynaa inaanu hakinay wada shaqayntii guddida doorashada, waxyaabo badan ayaa dhacay mana sii wadi karno shaqada, dhibaatooyinka jirana waanu u gudbinay, ilaa iyo hadana wax nalala eegay iyo wax ay ka qabteena ma jirto, sidaas ayaanan go’aan ku gaarnay.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON