Xuuthiyiinta dalka Yeman ayaa saaka Gantaal nooca Plastic-da ah ku weeraray saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada Cadan ee xarunta dowladda dalkaasi.
Gantaalka ayaa ku dhacay xerada ciidamada ee Jallaa oo ku yaalla magaalada Cadan, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inuu geystay qasaare badan iyadoo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof, iyadoo uu ku dhacay goob uu ka socday bandhig ciidan; waxaana uu ahaa gantaalkii ugu horeeyay ee magaalada Cadan ay u adeegsadaan Xuuthiyhiinta oo dhowaanahan hormariyey hubka ay heystan.
Afhayeenka Xuuthiyiinta ayaa sheegay in Gantaallada Balastikada ah ay u adeegsan doonaan wixii hadda ka danbeeya duqeynta xarumaha ciidamada ee Koonfurta Yeman oo Sacuudiga iyo Imaaraadka ay taageeraan.
Dadka magaalada Cadan ayaa isugu soo baxay goobta uu Gantaalkaasi ku dhacay, waxaana si weyn looga maqlay magaalada Cadan.