Madaxweynaha dalka Uganda ayaa la shaaciyay goor dhoweyd inuu ku guuleystay doorashadii Khamiistii dhacday iyadoo codadka uu helay ay gaareen 60.75% codadkii uu helay oo dhan 5,617,503.
Madaxweynaha ruugcadaaga ah ee dalkaasi soo xukumayay tan iyo wixii ka dambeeyay 1986 ayaa mar kale hogaanka sii heyn doona muddo kale, waxaana Guddiga doorashooyinka dalkaasi ay shaaciyeen inuu yahay ninka helay doorashada.
Hogaamiyaha mucaaradka Kizza Besigye aya kaalinta labaad galay isagoo helay codad dhan 3,270,290 uu u dhigm, 35.3%.
Waa markii shanaad ee Madaxweyne Musaveni uu dalkaasi taladiisa sii heyn doono, waxaana bilowday dabaaldegyo taageerayaashiisa ka sameynayaan dalkaasi oo dhan.
Hogaamiyaha Mucaaradka Kizze Besidge ayaa diiday natiijadii doorashooyinka Uganda isagoo sheegay in lagu shubtay oo ay caddeyn u tahay sida nidaamka kelitaliska Musaveni aan u dooneynin dimoqraadiyad. Qoraal uu ka soo saaray xabsiga guriga uu ku jiro ayuu ku caddeeyya inuusan marnaba aqbaleynin natiijada doorashada la shaaciyay.
Besidge wuxuu soo jeediyay in beesha caalamka aysan aqoonsan doorashadaasi, lana sameeyo guddi caalami ah oo dib u eega codadka la dhiibtay, qeyb ka mid qoraal dheer oo uu soo saaray hogaamiyaha mucaaradka hoos ka akhri…
HOOS KA AKHRISO GO’AANKA GUDDIGA DOORASHADA DALKA UGANDA
Goobjooge.com