Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa lacag lagu sheegay khidmad oo gaareysa $100 ku soo rogay Gaadiidka Dadweynaha BL ee ka shaqeeya degmada Wadajir.
Lacagtan ayaa sabab looga dhigay in loo kaashanayo Deyn la sheegay inay ka hartay dhismaha Wadada Buuloxuubey ee dhowaan la dayactiray.
Waxaa Gaadiidka dadweynaha loo qabtay inay muddo 10 maalmood ah ku bixiyaan lacagta la dul saaray iyagoo ku shubaya Xisaab laga furay Bankiyada Salam Somali Bank iyo Dahabshiil.
Arrintan ayaa qeylo dhaan ka keentay gaadiidka dadweynaha ee intooda badan ah kuwa loo yaqaan Homey oo ka shaqeeya jidka Buuloxuubey, waxayna qaarkood joojiyaan inay maraan wadadaasi.
Lacagtan cusub ayaa dad badan shaki ka muujinayaan, iyadoo hore lacago badan looga qaaday dadweynaha degaanka, kuwa laamiga saaran, arday iyo samafalayaal badan oo lacago ku bixiyay dhismaha, waxaana kadib dhismaha dhacday inaan wax xisaab xir ah la soo bandhigin iyo sida dhaqaalihii la ururiyay loo isticmaalay.
Lacagta cusub ee lagu soo rogay Gaadiidka dadweynaha ee taga degmada Wadajir ayaan la ogeyn cidda maamuleysa, waxaana amarkeeda bixiyay Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax. Arrintan ayaa kasoo horjeedaa amarkii hanti dhowrka guud ee Qaranka ee ahaa in Boonooyinka lagu qaadayo lacagta dowladda ay noqdaan kuwa xisaabiyaha guud leeyahay oo mas’uuliyiinta degmooyinka Gobolka Banaadir aanay sameysan karin boonooyin ay lacag ku qaadeen iyo xisaabo u gaara.
DAAWO AMARKA KHIDMADDA LAGU SOO ROGAY GAADIIDKA

Goobjooge.com