Friday, June 27, 2025

Degmooyin Gaajo & Haraad loogu dhimayo iyo Dowladda Federaalka oo jawaab aan aamus ahayn laga waayay

Saddexdii maalmood ee ugu danbeysay waxaa saxaafadda afka Soomaaliga ku hadasha aya baahineysay xaalado bani’aadamnimo oo aad looga naxay, kana jira qaar ka mida degmooyinka dalka siiba gobollada Hiiraan iyo Bay ee Koonfurta Soomaaliya iyadoo dadka qaarkii u dhimanayaan gaajo iyo haraad.

Bulaburde

Degmada Buuloburde oo xaalkeedu meel halis ah marayo, dhibaatada heysata waa mid laga naxo oo ka dhalatay go’doominta ay ku hayaan kooxda Ashabaab, sidaasoo ay tahayna waxqabadkeeda ma wuxuu u baahan yahay awood milateri oo AMISOM iyo dowladda looga fadhiyo. Maamulka gobolka Hiiraan wuxuu sheegay inuu tallaabo qaadan doono maalmaha soo socda, laakiin waxay ku fiicneyd in hore loo qaado intii aanay xaajadu gaarin dhimasho. Waxaa kaloo la yaab leh in guddoomiyaha gobolka Hiiran uu eedeyn u jeediyo Hay’adaha samafalka iyo kuwa local-ka ah isagoo aan ogeyn ama is ilowsiinaya in waajibka koowaad saaran yahay isaga iyo dowladda uu mas’uulka uga yahay gobolkaasi.

bhakaba[ad name=”HTML-4″]

Degmada Buurhakaba waa degaan kale oo biyo la’aan iyo haraad loogu ba’ay, waxaana guddoomiyaha degmadaasi uu cod dheer ku sheegay kuna celceliyay in loo soo gurmado. Buurhakaba xaaladeedu way ka sahlan tahay tan Buuloburte, mana jirto caqabad dhinaca ammaanka ah inta badan. Waxay dadkaasi u baahan yihiin biyo in loo dhaamiyo xilligan hadda ah iyo in ceel loo qodo mustaqbalka dhow. Lama maqal maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo arrintan ka hadlaya waxqabad meeshiisa ha joogee.

Qeylo dhaanta labadaas degmo ka soo yeereysa ee warbaahintu tebineyso waa dhab inay gaareen dhegaha kuwa mas’uuliyadda qaaday ee hotelada Muqdisho biyaha nadiifka ah ku caba kuna cunaya dheylada, laakiin waa haddii ay nolol ama damiir ku jirto kuwo loo qeylo dhaamiyay….!!!.

Ka sokow maamulada degaanadasi ka jira ee qaarkood dowlad goboleed iyo madaxweynayaal sheegtaan, waxay mas’uuliyadda wax ka qabashada arrintan ku dhaceysaa:

1. Wasaaradaha arrimaha Gudaha

2. Wasaaradda Macdanta & Biyaha

3. Wasaaradda Qorsheynta

4. Guddiga maareynta masiibooyinka

5. Xukuumadda

6. Madaxtooyada

7. Baarlamaanka & xildhibaanada

8. Hay’adaha samafalka

[ad name=”HTML-2″]

Waxaa iska cad iyo dowladeenu gabtay dadkii ay mas’uuliyadda u qaaday, waxaana la yaab noqon doonta markii uu waqtiyada soo socda nagu soo baxo wasiir iyo mas’uul dowladeed oo isna ku baaqaya in dadkaas kaalmo lala gaaro, waa sida ay noqotay caadadda madaxdeena sare iyo wasiirada.

Hoos ka akhriso maqaal ay Goobjooge.com ka qortay hab-dhaqanka madaxda dowladda:

LAYAABKA DOWLADDA FEDERAALKA: Dowlad isu heysata sida NGO iyo Madax samafalayaal oo kale u shaqeeya

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON