Wasiirka Wasaaradda Amniga Xakuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa xariga ka jaray Xafiis Amniga qaabilsan oo Dekedda laga dhex furay. Waxaa kaloo ka qeyb galay wasiir ku Xigeen Wasaarada Dekedaha iyo Gadiidka Badda Cismaan Maxamed Daallo, Maareeyaha Dekeda Muqdisho Axmed Washington iyo Maamulka shirkada Al-beyrak.
Wasiir Cismaan Daalo ayaa sheegay in adeeggan inuu watar u leeyahay Wasaarado dhowr ah. “Adeeggan wxuu ahmiyad gaara u leeyahay saddex wasaaradood, wasaarada Dekedaha ahmiyadda uu u leeyahay waxay tahay wax walba oo dekedaasi soo galay ayay halkasi kala soconaysaa. wuxuu yareyn doonaa Musuqmaasuqa hadii hore konteenar Electronic wada la marin jiran waxa uu wadaa Bagaash ma dhici doonto taasi’’ ayuu yiri wasiir ku xigeenka.
Wasiirka Amniga Gudaha Ee Xakuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ducaale ayaa sheegan in Masruucan uu yahay mid ay hore u meelmarisay Xakuumadii hore Islamarkaana ay hada lagu guuleysatay in la howlgaliyo, wuxuuna caddeeyay in addeegan uu kaalin ka qaadan doono xaqiijinta Amniga waxyaabaha Dekedda ka soo degaya.
SAWIRRO