Qaar ka mida dadkii ku dhaawacmay dagaal beeleedkii dhowaan ka dhacay degaanka Dhumay ee Gobolka Sool ayaa lasoo gaarsiiyey magaalada Muqdisho, kadib markii ay diyaarad u dirtay dowladda Federaalka.
22 qof oo ka mida dadka dhaawacyadoodu culus yihii ayaa diyaarad kasoo qaaday magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe, waxayna galabta ka dejisay magaalada Muqdisho, iyadoo dhaawacyadaasi la dhigay isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer).
Diyaaradda oo nooceedu ahaa Fokker-50 ayaa waxaa sii raacay Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda Fedeaalka oo ku haray magaalada Gaalkacyo, kadib markii ay qaadi weyday diyaaradda.
Wafdiga dowoadda Dowlada Federaalka ee la socday diyaaradda ayaa caqabado badan kala kulmay maamulka Puntland, iyadoo loo diiday inay wax dhaqdhaqaaq ah sameeyeen, lana hadlaan saxaafadda, waxaana lagu xayiray hotel ku yaalla magaalada Gaalkacyo, iyadoo uu amarkaasi bixiyey madaxweynaha Puntland.