Kooxda Al-Shabaab ayaa faahfaahi bixisay weerarkii culus oo ay saaka ku qaadeen Saldhigii ciidamada AMISOM ee degmada Jannaale, gobolka Shabeellaha hoose oo wararku sheegayaan inay ilaa iminka gacanta ku hayaan.
Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh C/casiiz Abuu Muscab ayaa sheegay in ilaa 50 askari oo Ugandes ay ku dileen gudaha saldhiga Janaale wixii soo harayna ay Webiga ku daateen oo uga daba tageen. wuxuu sidoo kale sheegay in gurmad ciidamada AMISOM ay loo galay degaanka Buufow.
Dhageyso Afayeenka Alshabaab
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]