Warbaahinta Alsahbaab ayaa lagu shaaciyay cod la sheegay in laga duubay Xasan Xanafi Xaaji C/salaam oo maanta lagu toogtay Dugsiga Sare ee Booliska magaalada Muqdisho kadib markii laba jeer dil toogasho ah ay ku xukumeen Maxkamadaha Darajada Koowaad ee ciidamada iyo Maxkamadda Sare ee ciidamada.
Codkan ayaa ku saabsan xilligii ugu danbeeyay oo Xasan Xanafi uu toogasho sugayo isagoo ku dhawaaqay ereyo uu Alle ugu towbad keenayo, isla markaana ku sheeganayo inuu wax badan u sameeyay Alle dartii.
DHAGEYSO CODKII U DANBEEYAY EE XASAN XANAFI
GOOBJOOGE.COM