Thursday, June 26, 2025

DHAGEYSO: Ciidamada Booliska oo dirqi ku fashiliyay qarax lagu xiray Mooto Bajaaj & dad loo xiray

Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa fashilyay qarax lagu soo xiray mootada Bajaajta oo la doonayay in lagu fuliyo qarax weyn oo ka dhacay Xamarweyne.

Booliska oo dhowaan lagu wareejiyay qeybo ka mida caasimadda Muqdisho ayaa Mootadan  qabtay xilli aroortii ah kadib saqda dhexe oo saacadu ahayd 04:00 ka hor salaada subax, waxayna Mootadu ku socotay wadada Madiina Almnawara agagaarka dugsiga farsamada sida uu sheegay Taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Cali Diiriye  Xerso (Gaab) oo intaas ku daray in saddex nin oo mootada la socday ay midkood qabteen laba kalena ay baxsadeen.

Taliye Cali Gaab ayaa sheegay in markii ninka la qabtay kadib la qarxiyay mootada oo aanay cidna wax ku noqon, isla markaana warbixin buuxa ka heleen eedeysanaha la qabtay, kana howlgeli doonaan. Fashilinta qaraxan oo si dirqi ah ay uga gaareen ciidamada Booliska ayaa muujinaya isbedel bilow ah oo xaaladda ammaanka Muqdisho ku soo kordhaya.

Qaraxan ayaa dhacay saacado kooban ka hor qarax kale oo saaka ka dhacay albaabka Xarunta Gaadiidka Booliska  degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho oo lagu dilay saddex ka mida saraakiisha Booliska.

HALKAN KA DHAGEYSO FAAHFAAHIN TALIYE GAAB (GUJI)

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON