Gudoomiyihii hore ee Gobolka Galgaduud Xuseen Wehliye Cirfo ayaa ka hadlay qaabkii dilay Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud iyo walaalkiis oo xalay lagu khaarijiyay magaalada Muqdisho.
Cirfo ayaa ayaa sheegay xilliga dilka uu dhacay ay ahayd iyadoo Gudoomiyaha uu booqanayay guri ay deganaayeen Aabihiis iyo Hooyadiis oo ku yaallo Degmada Yaaqshiid, isla markaana lagu kor dilay qoyskiiisa isaga iyo walaalkiisba.
Waxaa goobta ku dhintay Guddoomiye Maxamed Daahir Cali Cilmi iyo nin la dhashay oo lagu magacaabi jiray Eng. Xasan Daahir Cali Cilmi.