Wednesday, June 25, 2025

DHAGEYSO: C/raxmaan Faroole: “Dhibaatooyinka ka jira Federaalka waa qas ay wado xukuumadda Xamar Fadhida”

Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamuud Faroole ayaa ka hadlay safar uu ku joogo magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland oo ahaa tacsi ku saabsanaa xaaskiisa oo lagu dilay magaalada Garowe, wuxuuna sheegay in si weyn loogu soo dhoweeyay halkaasi.

farole
C/raxmaan Maxamuud Faroole (Madaxweynihii hore ee Puntland oo hor u haya Dastuurka KMG ah)

Mar la weydiiyay inuu siyaasadda ka haray ayuu sheegay inuu dhinaca Puntland uu siinayo wixii talo iyo tusaale ah ee looga baahdo, laakiin tan Soomaaliyeed uu wax ka qoro iminka weliba ku dhex jiro oo aanu ka nixin door  weyna uu ku lahaa intii uu talada Puntland hayay.

Mar uu ka hadlay arrimaha federaalka wuxuu sheegay in wax waliba cad yihiin oo dastuur uu jiro, waxa ka dhiman ay yihiin in la dhameystiro oo kaliya: “Waxa dhacaya iyo dhibaatada federaalka ka jira waa qas ay wado xukuumadda Xamar joogto maanta iyadaa ka mas’uula wax la isku qabtaa ma jiraan” ayuu yiri C/raxmaan Faroole oo eeda oo dhan dusha ka saaray dowladda Federaalka, taasoo ahayd arrin uu caado u lahaa intii uu madaxda ka ahaa Puntland.

Hoos ka dhageyso codka C/raxmaan Faroole

Xigasho: Banadir.net

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON