Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa faafhaahin iyo cudurdaar ka bixiyay shirka uu Muqdisho uga qeyb galayo ee arrimaha hiigsiga cusub, wuxuuna sheegay inaysan iska bedelin mowqifkii Puntland, balse ay shirka Soomaalida isugu imaaneysa ay ka qeyb noqonayaan isla markaana caddeynayaan mowqifkooda.
“Waxaan rabaa inaan idin sheego wax aan Puntland u qaadmin uma soo qaadeyno, waxaan u tageynaa shirka Soomaali ayaa isugu imaaneysa, Puntland mowqifkeeda ayay la tegeysaa” ayuu yiri C/weli Gaas oo intii aanu ka soo anba bixin magaalada Gaalkacyo saxaafadda la hadlay.
Isbedelka ku yimid C/weli Gaas ayaa ka dambeeyay cadaadis ay saareen wakiilada Beesha caalamka iyadoo hore ay Puntland u caddeysay inay ka qeyb galeynin shirka wadatashiga ee Muqdisho, waxayna hore uga baaqsadeen shirkii weynaa ee Muqdisho lagu qabtay.
Arintan ayaa loo arkaa inay tahay fashil weyn oo soo wajahay siyaasadii Puntland ee ku aadaneyd dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug.
DHAGEYSO C/weli Gaas
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]