Wasiiru dowlaha warfaafinta Maxamud Cabdi Bekos ayaa sheegay in wax badan loo digay Telefishanka Universal, sharcigana la soo taagi doono, isagoo la hadlayay warbaahinta ayaa wasiiru dowlahan uu qiray in dowladda Federaalka ay ka danbeysay xariga xarunta telefishanka Universal, weriye Cawil Daahir Salaad iyo Agaasime C/llaahi Xersi.
Wasiiru dowlahan ayaa lagu aqoon inuu saxaafadda la hadlo wuxuuna ka mid ahaa xubnaha aan la ogeyn inuu ka mid yahay golaha waisirada, balse wuxuu mar qura maanta ka soo muuqday warbaahinta si uu arrintan xariga weriyayaasha Universal u difaaco, una saaro maro dowladeed iyo sharciyad aan loo marin xarigooda.
DHAGEYSO CODKA WASIIRU DOWLAHA
Goobjooge.com