Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.
Shirkan ayaa waxaa looga hadlay arrimo fara badan, waxaa warbixin laga dhageystay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Marwo Faadumo oo Golaha Warbixin ka siisay itii ay xilka la wareegtay iyo sida Wasaaradda Maaliyadda ay ula shaqeeyaan.
Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle ayaa laga dhageystay warbixin ku saabsan xaaladaha amni ee dalka, wuxuu sheegay Holwgal qorsheysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen degmada Afgooye ay ka soo qabteen 29 qofood oo lala xiriirinayo Shabaab.
Dadka la soo qabtay waxaa ku jiray Eedeysane Aweys Qadar Axmed oo ahaa Amiirka Qeybinta Howlgalada degmada Afgooye, Eedeysane C/laahi Maxamuud Muqtaar (Iley) Farsamayaqaanka Qaraxyada, Eedeysane Saalax C/qaadir Cabdulle Madaxa lacagaha Sakawaadka, Maxamed Aweys Cali oo ka tirsan Amniyaadka, Maxamed Xuseen Salaad (Yamani) Amniyaadka, Maxamed Cali Xasan Amniyaadka, Eedeysane Zakariye Salaad Axmed, Aweys Kamaal Muxudiin, iyo Bakar Maxamed Yacquub oo ahaa Miiniiste.
Sidoo kale waxaa iyadana lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo C/wali Cabdi Daa’uud oo horey dil ugu geystay Marxuum Guuleed C/qaadi Muuse oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Waaxda ilaalinta Canshuuraha, wuxuuna Wasiirka ka digay dadka abuuraya arrimaha amniga ka soo horjeeda.
Wasiirka Qorsheynta Jamaal Xasan ayaa Golaha waxa ay ka dhageysteen warbixin ku aadan mashaariic ay horey u dalbatay Dowladda Federaalka oo ay ka mid yihiin dhismaha wadooyinka iyo dhismaha Hay’adaha Dowladda.
Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ayaa laga dhageystay warbixin ah in Wasaaradda ay qorsheyneyso in la qabto shiweyne Qaran oo Culimada ay isugu imaanayaan magaalada Muqdisho, si looga wada tashado kaalinta ku aadan culumaa’udiinka la dagaalanka Shabaab.
DHAGEYSO WASIIRKA WARFAAFINTA