Thursday, June 26, 2025

DHAGEYSO Guddoomiyaha Alshabaab ee Hiiraan: “Mareykanku waxay sheegteen inay dileen anigan idinla hadlaya…”

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee kooxda Alshabaab Sheekh Maxamed Mire ayaa beeniyay in la dilay isagoo ka hadlay meel fagaare degmada Buq-aqable, halkaasoo lagu fuliyay  xukun dil ah oo lagu fulinayay askari ka tirsanaa dowladda Federaalka oo la sheegay inay xukuntay maxkamadda Alshabaab.

Ninka la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Kun-ciil Mahad. Dadweynaha isu soo baxay fulinta xukunkaasi ayuu la hadlay Maxamed Mire isagoo sheegay in duqeyntii dhowaan Mareykanku ka fuliyey Gobolka Hiiraan, wuxuuna sheegay inuu  Alle ka badbaadiyay, islamarkaana uu ka been sheegay khasaaraha ka dhashay.

“Dad badan ayay  sheegeen inay dileen oo aniga ila hadlaya aan ka mid ahay, been abuur ayay shaqadooda ah, waxay qeyb ka tahay beenta lagu yaqaano cadowga” ayuu yiri waaliga Alshabaab ee Hiiraan Maxamed Mire oo hore guddoomiyaha Buuloburte uu sheegay in lagu dilay weerarkii Mareykanka ee degaanka Raaso.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON