Monday, June 23, 2025

DHAGEYSO: Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo kashifay ka danbeysa sirta is casilaadiisa iyo wixii ka dhacay Garowe

saciid

Gudoomiyaha Barlamanka maamulka Puntland Siciid Xasan Shire oo saaka ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland, sidoo kalena uu banneeyay xubinimadii Baarlamaanka ayaa ka hadlay sababaha uu xilka isaga casilay iyo xaaladda ku wareegsan arrintan:

 

Ad

Arrimaha uu ka hadlay guddoomiyaha is casilay ee golaha wakiilada Puntland waxay kala ahaayeen:

  1. Inay mooshin sharci darro ah ka keeneen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Putnland,  mooshinkaas ayuu sheegay inay ka danbeeyeen madaxda Puntland. Mooshinka ayuu sheegay inuu sharci darro yahay oo aan marna loo soo marin qaabkii sharciga ahayd.
  2. Ciidamado Madaxweyne ku-xigeenka Puntland  oo la wareegay xaruntii Baarlamanka Puntland, Ciidamada Baaralmaanka qabsaday ayuu sheegay inay amarka siiyeen Madaxweyne C/weli Gaas iyo  ku-xigeenkiisa Camey oo uu fuliyay Wasiirka Amniga Puntland.
  3. Guddoomiyaha Baarlamanka  Puntland Saciid Xasan Shire ee is casilay ayaa saxaafadda ugu sheegay Magaalada Garowe,  in arrinta difaacaa  lacagta Faalsada ah ee Puntland sameysay ay ku eedeysan yihiin dhammaan xildhibaanada Puntland, balse  aanu shakhsi ahaan ku lug kulahayn kana soo horjeeday, laakiinse ahayd mid dowladdu u arkaysay in lagu kabo dhaqaalaha, taasna ugu turay dalka iyo dadka.
  4. Wuxuu guddoomiye Saciid kashifay in shakhsiyaad ay keensadeen dalka isla markaana daabaceen lacagtaasi, kuwaasi oo ku sugan gudaha Puntland. Gudoomiyaha ayaa sheegay inuusan ku xadgudbin awoodda golaha Barlamanka, wuxuuna arrintaasi ku tilmaamay mid dana shakhsiyeed laga leeyahay.

Xiisada cusub ee Baaralmaaanka Puntland ka dhex oogan ee keentay in si degdeg uu xilka isaga casilo guddoomiyaha Baarlamaanka  Puntland ayaa timid iyadoo la sheegay inuu xiriir ka dhaxeeyay madaxweynaha Puntland io Guddoomiyaha is casilay.

DHAGEYSO CODKA SACIID XASAN SHIRE

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON