Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka dalbaday Baarlamaanka Soomaaliya inuu caddeeyo kaalinta ay Muqdisho ku yeelaneyso nidaamka Federaalka iyo Maqaamkeeda oo ay ku jirto doorashada 2016 iyo aqalka sare ee Baarlamaanka oo Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ka reebeen qorshaha doorashada.
Isagoo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ka sheegay in loo baahan yahay in Golaha Shacabka ay si cad u qeexaab Maqaamka ay yeelaneyso Caasimadda Soomaaliya ayna soo saaraan sharcigii maqaamka ay Federaalka ku leedahay Muqdisho.
DHAGEYSO CODKA GUDDOOMIYAHA
Goobjooge.com