Monday, June 23, 2025

DHAGEYSO: Hantidhowrka & Garyaqaanka Guud oo sharci darro ku tilmaamay Ceymiska Gaadiidka Muqdisho

Hanti dhowraha guud iyo Garyaqaanka Guud  ee dalka ayaa sharci darro ku tilmaamay ceymis qasab ah oo lagu soo rogay Gaadiidleyda Muqdisho.

Waxay sheegeen in Ceymiska uu yahay Hay’ad dowladeed oo aan weli laga dhigin Hay’ad gaar ah (private) uuna hoos tago wasaaradda maaliyadda dowladda Soomaaliya, waxayna caddeeyeen in sharciga ceymiska ku dhisan yahay xeer la sameeyay 1973 oo aan jirin wax bedel lagu sameeyay.

Garyaqaanka guud ee dowladda Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa sheegay in canshuurta laga qaado magaalada Muqdisho ay noqoto sharci, iyagoo sharci darro ku tilmaamay canshuurta guryaha ee loo cabirayo dhererkiisa. Wuxuu kaloo sharci darro ku tilmaamay lacagaha lagu soo rogay gaadiidka ee ceymiska lagu sheegay.

Ad

Gaadiidleyda Muqdisho oo lagu soo rogay Ceymis Qasab ah & Shaqo joojin ka socota magaalada

“Ceymisku waa hay’ad dowladeed mana dhici karto in hay’ad gaara lagu wareejiyo..” ayuu yiri Garyaqaanka dowladda Cismaan Cilmi Guuleed.

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale ayaa isna sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan sababta keentay in shirkad si gaara loo leeyahay loo gacan geliyo Ceymiskii dalka.

- Advertisement -

Hanti-dhowrka ayaa ka digay in la iska hor keeno dadka iyo dowladda, wuxuuna intaas ku daray inay ku baaqayaan in si degdeg loo joojiyo ceymiska magaca dowlada lagu qaadayo ee dadka lagu xirayo, wuxuuna sheegay inay isbaaro noqoneyso arrintan.

DHAGEYSO HANTI-DHOWRKA IYO GARYAQAANKA

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON