Tuesday, June 24, 2025

DHAGEYSO: Hooyada dhashay Gabar lagu kufsaday Gobolka Mudug oo faahfaahin cusub bixisay

Mid ka mida hooyooyinka dhashay gabdho lagu kufsaday degaanka Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa faahfaahin ka bixisay sidii kiiskaasi u dhacay.

Shugri Cabdullaahi Sheekh C/raxmaan ayaa sheegtay in gabadha laga hayo wadnaha oo Toorey laga geliyay, waxayna caddeysay in si xun u jirdileen ilaa ay ka miyir beeshay.

Hooyada ayaa sheegtey in gabadheeda ay 6-da ninba ay fara xumeeyeen. Waxayna sheegtey Shugri in arrinnkan oo ay galeen cuqaasha dhaqanka, iyo Culumada magaalada ay codsanayso in sharciga Islaamka waxuu ka qabo la marsiiyo eedeysanayaasha.

Xilliga falka dhacay ayay xaqiijisay inuu ahaa 7/12/2016, iyadoo sheegtay in xaaladda caafimaad ee gabadha ay weli liidato oo dhaawacyo waaweyn ku yaallaan.

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON